April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA DPL OO KULAN LA QAATAY MAAMULKA GOBALKA BARI IYO TALISKIISA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa maanta waxa uu xafiiska Maamulka Gobolka Bari kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Guddoomiyaha Degmada Bosaaso Mudane Cabdiqani Axmed Ismaaciil deerro-dille, Kulankan ayaa Looga Hadlayay Hormarada La Gaaray Xaaladda Amni Sida Looga Hortagay Cudurka Covid19 Iyo Qodobo Kale.