Waxaa maanta deegaanka 22-aad ee duleedka magaalada Garoowe lagu qabtay xaflad balaaran oo lagu maamuusayo maalinta Beeraha ee Puntland oo ku astaysan 14-ka bisha April, xafladan oo si qurux badan loosoo agaasimay ayaa dhanka kalena lagu soo bandhigay waxaoosaarka beeraha ee Puntland waxaana ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada, madax kasocotay wasaarada Beeraha ee Soomaaliya, iskaashatada beeralayda ee Puntland iyo marti kale.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL, Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo furay xafladan ayaa sheegay in sanadkaan ay wasaaraddu tusaale wanaagsan usoo qaadatay in maalinta beeraha lagu xuso mid kamid ah beeraha ugu waawayn Puntland isagoo sheegey in xuska maalinta Beeraha Puntland looga gol leeyahay muujinta iyo dhiirigelinta waxaoosaarka beeraha Puntland.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada Marwo. Faaisa Cali Ismaaciil oo ka hadasha xaflada ayaa sheegtay in Puntland imika ay marayso in dhamaanteed ay isku badasho dhul-beereed waxaana ay sheegtay in beeraha si wayn looga shaqaynayo wasaaradduna ay garab istaag wayn siin doonto beerlayda Puntland oo sameeyey dadaal lagu amaano.Kusimaha wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo gabagabadii munaasabadan ka hadlay ayaa ugu hanbalyeeyey beeralayda Puntland dadaalka dheer ee ay galeen iyo sida ay uga miro-dhaliyeen dadaalkaas, wasiirku wuxuu sheegey in wasaaraddu ay dhawaan qaabayn doonto dhulka Puntland una kala samayn doonto deegaan walba iyo waxa uu ku wanaagsanyahay si loo kala jiheeyo waxsoosaarka Beeralayda maalgashadayaashana loogu fududeeyo in ah fahmaan deegaan walba iyo beeraha ay ka samaynayaan.








Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA