April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDIGA SHURUUCDA & CADAALADA GOLAHA WAKIILADDA DPL OO GAARAY MAGAALADA BOSAASO AYAA KORMEER SHAQO KU TAGAY XABSIGA WEYN EE BOSAASO

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL oo gaaray magaalada Boosaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Xabsiga weyn ee Boosaaso, Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Bari, Dawladda Hoose iyo Taliska qaybta Booliska Gobolka Bari.

Ugu horeyn Xildhibaannada ayaa booqday Xabsiga weyn ee Boosaso, halkaas oo ay kusoo dhoweeeyen mas’uuliyiinta Xabsiga oo uu hoggaaminayo Taliyaha Xabsiga.

Guddiga ayaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay mas’uuliyiinta Xabsiga, iyagoo sidoo kale Guddiga la wadaagay baahiyaha Xabsiga iyo caqabadaha jira.

Waxay sidoo kale Guddigu su’aalo la xiriirta dhacdadii ka dhacday Xabsiga bishii March weydiiyeen mas’uuliyiinta Xabsiga.

Sido kale Guddiga ayaa la kulmay maxaabiista ku xidhan Xabsiga, iyagoo mid mid uga dhagaystay cabashadooda; waxayna sidoo kale kormeereen dhismayaasha iyo xafiisyada kala duwan.

Dhanka kale Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL oo kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari, halkaas oo warbixin kaga dhagaysteen ku-simaha Guddoomiyaha iyo Xeeri-ilaaliyaha Gobolka Bari.

Ugu dambayn Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL ayaa booqasho ugu tagay duqa Degmada Bosaso mudane Cabdiqani Axmed Is (Deero-dile) iyo Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cabdi Maxamuud, iyagoo uga warramay xaaladda guud ee magaalada Bosaaso.

Kormeerka Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.