April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADDA DPL OO KHUDBAD DASTUURIYA KA JEEDIYAY FURITAANKA KALA FADHIGA 48-AAD EE GOLAHA

Garoowe, June 15, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad Dastuuriga ah ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni.

Furitaanka Kal-fadhiga 48aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyeyaasha ciidanka iyo marti sharaf kale.