April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WAFDI ISUGU JIRA GOLAYAASHA BAARLAMAANKA IYO XUKUUMADDA OO AY WEHELIYAAN SARAAKIIL KA SOCOTAY MADAXTOOYADA DPL OO GAARAY DEGMADA BAREEDA

Wafti ka kooban golayaasha Baarlamaanka iyo xukuumadda oo ay weheliyaan saraakiil ka socotay madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa si weyn maanta loogu soo dhoweeyay Degmada Bareeda ee Gobolka Gardafuu .

Waxaa sidoo kale Wafdiga golayaasha kormeerkaan ku weheliyey Maamulka iyo Taliska qeybta Booliska ee Gobolka Gardafuu, waxaana duleedka Magaalada kaga hor yimid Guddoomiyaha Degmada Bareeda, Waxgarad ,Nabadoonno iyo weliba bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ujeedka wafdigaan ayaa daarran u kuur gelidda xaaladda guud ee Gobolka iyo ogaanshaha hannaanka shaqo, Si loo dardar geliyo adeegyada bulshada loo hayo.