April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA ,FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYADA DPL OO BULSHADA BURTINLE KULAN LA QAATAY

Wasiirka Arrimaha gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyada Dawladda Puntland Hon. Mohamed A. Dhabancad ayaa Degmada Buurtinle kulan kula qaatay Maamulka degaanka & Odayaasha iyo waxgaradka.

Wasiir Dhabancad ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Xildhibaannada Golaha Degaanka isaga oo kala hadlay wadashaqeynta iyo dardargelinta shaqooyinka Dawladda.

Inta uu ku sugnaa Burtinle waxa uu Wasiirku sidoo kale kulan la qaatay odayaasha iyo Waxgaradka isaga oo kala hadlay muhiimada ay leedahay xoojinta Horumarka, Nabada iyo nidaamka Dimuqraadiyadda.