April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

TARTAN AQOONED LOO QABTAY DUGSIYADA SARE EE PUNTLAND

Tartan aqooneed loo qabtay ardayda dugsiyada sare ee Puntland ayaa soo gaaray wareeggii labaad, iyada oo la isku aaddiyey.

Tartan aqooneed ku qotoma maaddooyinka Fiisikiska, Kimistariga, Xisaabta, Bayloojiga, Tarbiyadda, Taariikhda, Juquraafiga, Soomaaliga iyo aqoonta guud, isla markaana ay soo agaasimtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, idaacadda Daljir, shirkadda Golis iyo Salaama Bank.
Tartan iyo Tacliin ayaa soo gaaray wareeggii labaad, iyada oo tartankana ay ka soo qaygaleen arday laga soo kala xulay dhammaan dugsiyada degmooyinka iyo gobollada Puntland.

Hoos ka akhriso liiska sida ay isugu dheceeb dugsiyada u soo gudbay wareegga labaad:

1:Dugsiga sare ee Salaaxuddiin Al-Ayyuubi (Dhahar) Vs Dugsiga sare ee Xaaji Cabdillaahi (Ballidhidin).

2:Dugsiga sare ee Najax (Boosaaso) Vs Dugsiga sare ee Shiikh Xaamud (Garoowe).

3:Dugsiga sare ee Cabdillaahi Ibraahim (Ufayn) vs Dugsiga sare ee Dahiroglu (Buuhoodle).

4:Dugsiga sare ee Gambool (Garoowe) Vs
Dugsiga sare ee Alwaaxa (Garowe).