April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDOOMIYAHA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA DPL EE KARKAAR OO KULAN LA YEESHAY URURADA SIYAASADA EE HEER GOBOL&DEGMO

Gudoomiyaha Guddiga KMG doorashooyinka puntland ee Gobolka karkaar Maxamuud Ismaaciil Salaad,ayaa kulan la yeeshay ururada siyaasada puntland ee heer gobol iyo heer degmo.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa siday ururadu qeyb uga noqon lahaayeen wacyigelinta bulshada gaar ahaan inta lagu guda jiro xiliga Diiwaangelinta codbixiyaha.

Gudoomiyaha ayaa inta uu shirku socday Wakiilada Ururada usheegay inay taageerayaashooda ku dhiirigaliyaan inay isdiiwaangaliyaan si ay ucodeeyaan.

Xubnaha Ururada ka socday ayaana soo dhaweeyay habka ay shaqooyinku usocdaan waxayna sheegeen in doorkooda ay kasoo bixi doonaan.