April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

CEEL BIYOOD CUSUB OO LAGA DHAGAX DHIGAY QODISTIISA DEEGAANKA FARATOOYO

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, Mareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo Maareeye ku xeegaanka WHBP ayaa dhagaxdhigay ceel-biyood cusub oo laga qodayo Tuulada Faratoyo ee Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal. Ceelkaan ayaa qodistiisa waxa iska kaashanaya hay’adda IRC, WHB Puntland iyo Wasaaradda biyaha iyadoo ay munaasabada dhagax dhigga kasoo qaybgaleen dadwaynaha iyo Maamulka Deegaan kuwasoo uga mahadceliyay Wakaaladda iyo wasaradaba siday ugu dadaaleen inay Tuulada Faratoyo hesho ceel biyood xilli baahi biyood oo darani deegaankaas ka jirtay.