April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASIIRKA MAALIYADDA DOWLADDA PUNTLAND OO KORMEERAY XARUNTA WASAARADA MAALIYADA EE GOBALKA NUGAAL

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntlamd Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa maanta kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda gobalka Nugaal ee magaalada Garoowe.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay madaxda Wasaaradda ee gobalka Nugaal.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada gobalka Nugaal Mudane Mukhtaar Cabdi Faarax ayaa ugu horayn Wasiirka uga warbixiyey halka ay marayso shaqada Wasaaradda ee heer gobal.

Sidoo kale Maamulaha Cashuuraha Beriga Sharmaarke Maxamed Warsame iyo Maamulaha kastamka gobalka Abshir Saciid Bare ayaa ka warbixiyey heerka uu gobalku ka maraayo dakhli ururinta.

Mudane Xassan Shire Cabdi oo ay booqashadan ay ku weheliyeen Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame, Xisaabiyaha guud ee Dowladda Cumar Saalax Aadan, Agaasime kuxigeenka guud ee dakhliga Abshir Maxamed iyo Agaasime Waaxeedyada dakhliga ayaa ku amaanay mas’uuliyiinta heer gobal dadaalkooda dheerigaah , wuxuuna kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqada ay gacanta ku hayaan siiba kor u qaadista dakhliga.

Wuxuuna ugu dambayn wasiirku mid mid u booqday xafiisyada Wasaaradda ee shaqadu ka socoto oo casriyeyn ballaaran lagu sameeyey.