Tartan aqooneed loo qabtay ardayda dugsiyada sare ee Puntland ayaa soo gaaray wareeggii ugu danbeeyey, iyada oo ay isku soo hareen dugsiga sare ee Gambool – Garoowe iyo dugsiga sare ee Shiikh Xaamid – Garoowe.
Waxaa xusid mudan in dugsiga sare ee Salaaxuddiin Al-Ayyuubi (Dhahar) uu galay kaalinta saddexaad (3) ee tartanka.
Tartan aqooneedkan ayaa ku qotoma maaddooyinka Fiisikiska, Kimistariga, Xisaabta, Bayloojiga, Tarbiyadda, Taariikhda, Juquraafiga, Soomaaliga iyo aqoonta guud, isla markaasna ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, idaacadda Daljir, shirkadda Golis iyo Salaama Bank.
Tartan iyo Tacliin ayaa soo gaaray wareeggii kama dambaysta ahaa, iyada oo tartankanka ay ka soo qaygaleen arday laga soo kala xulay dhammaan dugsiyada degmooyinka iyo gobollada Puntland.
16/May/2021- final. Jaamacada Bariga africa Faraceeda Garowe.
Dugsiga sare ee Gambool (Garoowe) Vs dugsiga sare ee Shiikh Xaamud (Garoowe).






Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA