Madasha 18-aad ee PDRCTalks ayaa ahayd dood-wadaag dhex-taala Guddiga Doorashooyinka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dalladda Bulshada Rayidka iyadoo ka-qaybgalayaashu ay su’aalo furan ku weydiinayaan masuuliyiinta madasha martida ku ah waxayna inta badan su’aalaha diirada lagu saarayaa Hannaanka Geedi socodka Dimuquradiyada Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad ayaa kahadlaya Guulaha laga gaaray Hirgalinta nidaamka Geedi Socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo shaqooyinka hadda socda hadda oo ugu horayso daahfurka diiwaangalinta codbixiyaasha doorashooyinka hordhaca ah ee biriba ka bilaamaysa dagmada Qardho.
Ugu danbeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxuu dadweynaha ku nool Degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan, Diiwaan galinta Doorashooyinka hordhaca ee lagu qabanayo 3dhexdaas Degmo si ay codkooda u dhiibtaan, una doortaan matalayaashooda golayaasha Degmooyinka, ayagoo u kala codeynaya Ururada siyaasadeed.



















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA