April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DPL OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA KU TIMI GEN CALI ISMAACIIL MAXAMED

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland uga tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Janaraal Cali Ismaaciil Maxamed oo ku geeriyoodey dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ka gaaray derejada Janaraal, waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa usoo shaqeeyey muddo dheer, sidoo kale waxa uu ka qayb-qaatay dhismihii dowladnimada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu haygiisa ka yeelo Jannatul Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.