April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

SHIRWEYNAHA HAWEENKA EE DOORASHOOYINKA DOWLDAHA HOOSE EE PUNTLAND

Shirweynaha haweenka ee doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland oo ka qabsoomay magaalada qardho ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta qoyska puntland, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Aamina Cismaan Xaaji oo kalmad ka jeedisay shirweynaha ayaa hadaladeedii waxaa ka mid ahaa :

“Wasaarada Horumarinta Haweenka horay dadaal aan loo kala harin baan u galinay in dumarka waxtarka leh ay ku soo biiraan golayaasha deegaanka hada oo loo gudbay qof iyo codna dadaalkeenii waan sii laba jibaaraynaa.

Dhalinyaradda, gabdhaha, raga iyo dadka laga tirada badan yahay dhamaan waxaa la raba inay ka muuqdaan siyaasadda. Doorashooyinka qof iyo cod waa kuwo loo siman yahay, ku doorta cidwalba aqoontooda iyo bulshada waxay tari karaan.”