April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

TPEC OO GALABTA SI RASMI AH UGA DAAHFURTAY DEGMADA UFEY TABABRKA SHAQAALAHA DIIWAANGALINAYA CODBIXIYAASHA DEGMADA

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa galabta si rasmiya uga furay degmada Ufayn ee gobolka Bari tababarka shaqaalaha diiwaangalinaya codbixiyayaasha degmada Ufayn iyo deegaanada hoos yimaada.

Furitaanka xaflada waxaa kasoo qaybgalay xubno sare iyo hawlwadeeno xarunta dhexe ee TPEC ka tirsan, Gudoomiyaha degmada Ufayn Maxamed Axmed Saalax Carabay, Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo Gudoomiyaha TPEC ee degmada Ufayn Cabdiraxmaan daahir Cali.

Guddiga iyo martida kasoo qayb-gashay xaflada ayaa shaqaalaha tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay sifiican uga faaiidaystaan inta tababarka socdo una dulqaataan saacadaha badan ee ay ku jiri doonaan si ay si fiican ugu fahmaan qalabka iyo Software-ka diiwaangalinta.