April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

XUBNO KA TIRSAN TPEC OO GAARAY DEGMADDA UFEYN EE GOBALKA BARI

Xubno ka tirsan Gudigga Kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland iyo hawl-wadeenadda Xafiiska ayaa galabta gaaray degmadda Ufayn ee Gobolka Bari oo ka mid ah meelaha ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la soo hor-mariyay.

Dhawaan ayaa la rajayanayaa in Ufayn laga daah-furo hanaanka is-diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha doonaya in ay ka qayb-qaataan doorashooyinka hal qof iyo hal cod.