April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL OO DUCO IYO DHIIRIGALIN USOO DIRAY ARDAYDA PUNTLAND EE MAANTA IMTIXAANKA U FARIISATAY

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhambaal dhiiri-gelin & duco ah u soo diray Ardayda Puntland ee maanta uu u bilaamay imtixaanka Shahaadiga ah- “Dhammaan Ardayda Puntland ee maanta Imtixaanka shahaadiga ah u fariistay waxaan Alle SWC u waydiinayaa inuu u fududeeyo Imtixaanka wiilal iyo habloba” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Waxaan dhiirigelinayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland hawl-wadeenadeeda ka shaqaynaya qabsoomidda Imtixaanaadka, waxaan u rajaynayaa inay masuuliyaddaas uga soo dhalaalaan, si mugleh oo hufan, sidii caadada u ahayd” Madaxweynaha ayaa dhiirigelitan uu Wasaarada Waxbarashada Puntland uu u jeeediyey ku soo gaba-gabeeyey dhambaalkiisan.