April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

DIIWAAN GALINTA CODBIXIYAHA OO MAANTA LAGA DAAH FURAY DEGMADDA UFAYN

Diiwaangalinta codbixiyaha oo maanta laga daahfuray degmadda #Ufayn ee gobolka Bari ayaa u socota si habsami leh iyada oo goobaha diiwaangalinta ay buuxiyeen bulshada qaybaheeda kala duwan oo doonaya inay ka mid noqdaan dadka nasiibka u yeeshay inay qaataan waraaqda cadaynta isdiiwaangalinta.

Dadweynaha kala duwan ee is diiwaangaliyay maanta waxa hormuud u ahaa Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Gudoomiyaha gobolka #Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan iyo Gudoomiyaha degmada Maxamed Maxamuud Saalax Carabay.