April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNE KU XIGEENKA DPL OO DAAH-FURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA EE PUNTLAND

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa Maanta daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2020-2021.

“Sharaf bay u tahay dawladda iyo shacabka Puntland in maanta ay imtixaanka u fadhiistaan 17,735 araday oo isugu jira gabdho iyo wiilal. sannadkan tirada gabdhaha u fadhiistay imtixaanku waxay ka badan tahay ta wiilasha waan arrin bogaadin mudan” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) .

“Waxaan ku bogaadinayaa dedaalka aan kala joogsiga lahayn ee ay mar walba waddo wasaaradda waxbarashadu, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa xafiiska imtixaanaadka Puntland oo masuuliyad weyn iska saara diyaarinta,xafidida iyo qaadidda imtixaanaadka loo dhan yahay ee Puntland” ayuu mar kele xusay Madaxweyne ku xigeenku.

Guul ayuu Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) uu rajeeyey dhammaan ardayda reer Puntland ee saaka u fadhiistay imtixaanka. wuxuuna kula dar-daarmay in ay is dejiyaan oo ay imtixaanka si mug leh udhugtaan.