April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KULANKA DADWEYNAHA EE DEGMADDA UFAYN OO DIIRADA LAGU SAARAY SIDII HAWEENKA & DHALINYARADU QAYB UGA NOQON LAHAAYEEN DOORASHADA GOLAYAASHA DEEGAANKA

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo kaashanaya PUNSAA ayaa caawa kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Kulankan ayuu Guddigu bulshada ku dhiirigaliyay in ay isdiiwaangaliyaan oo ay qaataan waraaqda cadaynta u ah isdiiwaangalinta, xubnaha TPEC iyo masuuliyiinta kasoo qaybgalay kulankan ayaa si gaara ugu dhiirigaliyay Dhalinyarada iyo Haweenka inay ka faaiidaystaan isdiiwaangalinta si ay codkooda hadhow ugu doortaan qofka ay rabaan oo ay isku fikir yihiin.