Wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland oo maanta furay Talaalka wajiga labaad ee Covid19.
29/05/2021:- Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta degaanada Puntland ka bilawday wajiga labaad ee talaalka Covid19.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa garowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay uqaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qataan wajiga labaad oo ah kan ugu dabeeya.
Dadweyne fara badan ayaan talaalka maanta ka qaatay xarumaha talaalka lagu bixinayo waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan marka ay kan qaadataan inay difaaca jirkodoa ee xanuunka Covid 19 uu amaan yahay.
Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.
Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka daahfuray talaalka wajiga labaad gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan.
Talaalka ayaa mudo 5 maalmood ah socon doona iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad.













Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA