April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

TARTAN IS DHEX GALKA BOOLISKA IYO BULSHADA OO KA QABSOOMAY DEGMADDA DHAHAR

TARTANKA IS-DHEXGALKA BOOLISKA IYO BULSHADA DEGMADA DHAHAR EE GOBOLKA HAYLAN.

Dhahar- Magaallada dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan waxaa ka furmay Tartan kubbadda cagta ah oo loo qabtey dhallinyarada magaaladaasi.

Tartanka ayaa ujeedkiisu yahay isdhexgalka dhallinyarada iyo Booliska waxaana lagu dhiiri gelinaayaa kor-naloogu qaadayaa arrimaha amniga iyo Horumarka gobolka.

Shirkadaha ganacsiga ee degmada dhahar ayaa tartanka oo ay ka qayb galaaya 8 Kooxood qayb weyn ka qaadanaya taaba-gellintiis.

Waxaa goob joog ahaa oo furay Guddoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Haylaan, gudoomiye ku xigeenka degmada Dhahar, ganacsata maal-gelisay iyo qaybaha bulshada.