April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

GUDDIGA SHURUUCDA GOLAHA WAKIILLADDA DPL OO GAARAY MAGAALADA QARDHO AYAA KORMEER SHAQO KU TAGAY XABSIGA WEYN, MAXKAMADDA DARAJADA 1AAD EE GOBALKA KARKAAR

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL oo gaaray magaalada Qardho ayaa kormeer shaqo ku tagay Xabsiga weyn ee magaalada, Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Karkaar iyo Xarunta Gobolka.

Ugu horeyn Xildhibaannada ayaa booqday Xabsiga weyn ee Qardho, halkaas oo ay kusoo dhoweeeyen Taliyaha iyo Saraakiisha kale ee xabsiga.

Guddiga ayaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaystay Sarkiisha Xabsiga, iyagoo sidoo kale Guddiga la wadaagay baahiyaha Xabsiga iyo caqabadaha jira.

Sido kale Xildhibaannada ayaa la kulmay maxaabiista ku xidhan Xabsiga, iyagoo mid mid uga dhagaystay cabashadooda; waxayna sidoo kale kormeereen dhismayaasha iyo xafiisyada kala duwan.

Dhanka kale Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Karkaar, halkaas oo warbixin kaga dhagaysteen Guddoomiyaha iyo Xeeri-ilaaliyaha Maxkamadda.

Ugu dambayn Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada DPL ayaa booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar iyo kuxigeenkiisa, iyagoo ka xog wareystay xaaladda guud ee Gobolka.