April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

SHIRAR WADATASHI AH OO U DHEXEEYA WASAARADDAHA WARFAAFINTA IYO DEEGAANKA EE DPL

Waxaa socda shirar iyo wadatashiyo u dhexeeyaa madaxda iyo saraakiisha Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha Dhaqanka Dalxiiska iyo Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbadelka Cimiladda.

Shirarkaan ayaa looga wadahadlay sidii loo dhaqaajin lahaa Mashruuca cagaarinta xeebaha (Coastal greening) kaas oo labada wasaaradadood ay si wadajir ah uga wada shaqaynayaan,taasoo ugu dambayntii la isla gartay in la dardar geliyo dhaqaajinta mashruucaas sida ugu dhakhsiyaha badan.