Garoowe, June 13, 2021: Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL Xil. Cabdicasiis Axmed Dhahar oo ay wehliyaan ku xigeenka Guddiga Xil. Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud), Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame iyo Agaasimaha Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Mudane, Cabdiwali Gooni ayaa ka qeyb-galay Furitaanka Tababarka Wariyeyaasha ee Habka Tebinta Wararka Baarlamaanka.
Tababarkaan oo ay sidoo kale ay ka qeyb-galeen Wasiiru Dawlaha Warfaafinta Dr. Cabdifatax Nuur Askhr, Guddoomiyaha Ururka MAP Mudane, Maxamed Daahir Caynsane, Xoghayaha Guud ee MAP Nimco Muuse ayaa weriyeyaal tiradoodu 15 saxafi.
Weriyaasha ayaa markii labaad ka faa’iidaysan doona habka tebinta Hawlaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.





















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA