April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WAFTI KA SOCDA WASAARADDA DEEGAANKA DPL OO KORMEERAY DEGMADA XINGALOOL.

Wafti ka socda wasaaradda Deegaanka oo kormeeray degmada Xiingalool.

Wafti balaaran oo uu hogaaminayey kusimaha Wasiirka ahna wasiiru-dawlaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland Mudane,Cabdirashiid Cali Geelle oo ay kamidyihiin Wasiir kuxigeenka wasaarada Marwo. Saynab Ismaaciil Maxamed “Tiimbiye” iyo xubno kale ayaa kormeer kutagay degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan.

Waftiga ayaa soo kormeeray shaqooyinka caabinta ayaxa ee ay kooxaha wasaaraddu kawadaan degmada Xiingalool iyo deegaano kale oo kamid ah gobolka Haylaan, sidoo kalena waxay masuuliyiinta wasaaraddu kulamo la qaateen maamulka degmada, laamaha amaanka, ganacsatada iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada kuwaas oo ay laqaateen kulamo wacyigelin ah oo kusaabsan la dagaalanka ayaxa, ilaalinta deegaanka iyo baahiyaha kajira deegaanka ee ay danaynayaan in wasaaraddu wax ka qabato.