BUURTINLE – Degmada Buurtinle ee gobalka Nugaal Waxaa maanta gaaray wafti uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayna kamid ahaayeen Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane, Agaasimaha Waaxda Kastamada, Xisaabiyaha gobalka Nugaal, Maamulaha Kastamka iyo Taliyaha laanta ilaalinta Cashuuraha gobalka Nugaal.
Waftiga ayaa kulan la yeeshay qaybaha bulshada iyo maamulka degmada Buurtinle iyagoo ka dhagaystay baahiyaha degmada, kalana hadlay dardargelinta cashuuraha degmada.
Ugu horayn Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo kamida Baarlamaanka Dawlada Puntland, lagana soo doorto degmada Buurtinle ayaa sheegay in mudadii uu talada hayey Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, magaalada laga hirgeliyey horumaro la taaban karo, kuwa kalena ay hadda qorshaysan yihiin, wuxuuna dadka degmada ku-guubaabiyey in ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo shirka soo xiray ayaa isaguna tilmaamay in ay Puntland ka socdaan horumaro balaaran, sida dib u habayn ciidamada, dhaqaalaha, garsoorka iyo u guurista hanaanka xisbiyada badan, wuxuuna sheegay in horumaradaas oo dhan laf dhabar u tahay canshuurta ay muwaadiniintu bixiyaan, loona baahan yahay qof kasta oo reer Buurtinle ah inuu bixiyo canshuurta
















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA