April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL OO WARBIXIN KA DHAGAYSTAY GUDDIGA DIB U HABEYNTA SHAQAALAHA & KORDHINTA MUSHAHARADKA

Garoowe: 14 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta warbixin ka dhegaystay guddiga dib-u-habeynta shaqaalaha iyo guddiga kasoo shaqeynayay kordhinta mushaharaadka.

Labada guddi ayaa la wadaagay Madaxweynaha shaqooyinka u qabsoomay iyo meesha uu marayo qorsheyaasha dib-u-habeynta shaqaalaha iyo kordhinta mushaharaadka oo labadaba wax badan laga qabtay.