April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA EE DPL OO DIL TOOGASHO KU XUKUNTEY 17 KA MID AL-SHABAAB

Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo dhammaantood ka tirsan ururuka Argagaxisada Alshabaab halka Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi cimriga haku furto ah.

Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 kamid ah ay yihiin Horjoogayaashi ugu sareeyey ee go’aamin jirey Dilalka iyo Qarxyada magaalada Galkacyo,12 kale ayaa ahaa kuwi dilalka fulin jirey.