April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA

Muqdisho: 28 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Shirka wadatashi ee arrimaha doorashada oo ka furmay Teendhada Afisyooni.

Shirka ayaa looga hadlaya sidii loo dardargelin lahaa arrimaha Doorashadda, Iyadoo madaxdu dib u fiirin doonaan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa qorsheysan sidii loo fududeyn lahaa.