April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

BAAHINTA LIISKA HORDHACA AH EE CODBIXIYAASHA DEGMOOYINKA QAEDHO, EYL , UFAYN

Baahin xogta liiska hordhaca ah ee codbixiyayaasha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn:

Waxaa Guddigu caawa oo ah 27ka bisha 6aad 2021 soo bandhigay xogta liiska hordhaca ah ee dadkii iska diiwaangeliyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Wadarta dadka iska diiwaangeliyay 3daas degmo waa 48,353. Wadarta dadka si saxan oo dhamaystiran isku diiwaangeliyay waa 46,187, inta soo hartay oo dhan 2,166 waa dad isku dayay 2 jeer ka badan inay isdiiwaangeliyaan iyo dad xogtooda aan dhamaystirin.

  1. Qardho:

Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Qardho: 181,681

Tirada dadka ka wayn 18: 69,039

Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Qardho: 24,921

  1. Eyl:

Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Eyl: 148,611

Tirada dadka ka wayn 18: 56,472

Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Eyl: 11,364

  1. Ufayn:

Tirakoobka Guud ee Dadwaynaha Ufayn: 57,095

Tirada dadka ka wayn 18: 21,696

Dadka sida saxda ah iskaga diiwaangeliyay Ufayn: 9,902.

Xogta oo faahfaahsan oo loosii kalaa jajabiyay lab, dhedig iyo da’da dadka isdiiwaangeliyay kaga bogo sawirada hoose.