April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY MAS’UULKA HAY’ADDA CAAFIMADKA ADDUUNKA U QAABILSAN SOOMAALIYA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Dowladda Puntland ku qaabilay Masuulka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda WHO, dadaalka ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa Covid19 iyo dhiirgelinta tallaalkiisa.