April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO DANBIYADA CULUS EE GOBALADA MUDUG IYO CAYN OO XUKUN KU RIDAY QEYB KAMIDA ARGAGAXISADII KA HOWL GALI JIRAY G.MUDUG

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa xukun ku Riday 8 kamida Argigixisadii sida dhuumaalaysiga iyo naflacaarinimada ku layn jiray Haldoorkii iyo Labeentii Magaalada Gaalkacyo ugu danbayntiina gacanta lagu so dhigay.

Maxkamada oo xukunka eedaysanayaasha labo u kala qaaday ayaa sidaan u kala riday Xukunada Dilka ah.

Xukunka kowaad ee kiiska Maxkamada :

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo danbiyada Culus ee goboladda Mudug iyo Cayn ayaa Xukun dil ah ku ridey 5 kamid ah eedaysanayaal ka tirsan Argagaxisada Al – Shabaab kuwaas oo dilal ka geystay magaalada Galkacyo.

Magacyadda Danbiilayaasha :

Feysal Gujis
Sahal Cabulaahi
Iidiris Maxamed Afyare
Salmaan Maxamed Saleeban
Jaamac Muruudi Xuseen

Xukunka Labaad ee Kiiska Maxkamada :

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo danbiyada Culus ee goboladda Mudug iyo Cayn ayaa Xukun dil ah ku ridey Saddex eedaysanayaal oo ka tirsanaa Ururuka Al – Shabaab kuwaas oo ka Howlgali jirey xaafada Garsoor kana geystey Dilal madax jabin ah.

Magacyadda Danbiilayaasha :

Maxamed Cabdi Raage Indhabuur
Cabdirisaaq Axmed Buraale
Maxamed Cumar Muudey