April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

TABABAR KOR LOOGU QAADAYO AQOONTA SHAQAALAHA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA DPL OO LAGU QABTAY GAROWE

Shaqaalaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa saaka tababar kor loogu qaadayo aqoontooda uga furmay Xarunta PDRC ee Garowe.

Tababarkaan oo soconadoona Shan beri (28 April ilaa 2-da Bisha May) waxaa Gudiga ka caawinaaya Dalladda PUNSAA oo taageero ka helaysa Hay’adda Diakonia.

Aqoon kororsigaan waxaa daah furay Gudoomiye ku-xigeenka TPEC Jaamac Xirsi Faarax, waxa uuna shaqaalaha kula dardaarmay inay sifiican uga faa’iidaystaan tababarkaan.

Sidoo kale, daahfurka tababarkaan waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha PUNSAA Faysal Qaran oo sheegay in daladda PUNSAA qayb weyn ka qaadanayso Geedi-socodka Hanaanka Xisbiyada badan ee Puntland. Waxa uuna shaqaalaha ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan, aqoontoodana ay kor u qaadan.