April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNAHA DPL OO HAMBALIYO IYO BOGAADIN U DIRAY SHAQAALAHA MUNAASABADA MAALINKA SHAQAALAHA 1 MAY

Madaxweynaha Dawladda Puntland mudame Saciid Cabdullaahi Deni oo hanbaliyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha Dowladda Puntland munaasabada maalinka shaqaalaha oo ah 1 May.

“Munaasabadda maalinta Shaqaalaha darteed, waxaan u hambalyeenaya Shaqaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Puntland oo lafdhabar u ah horumarka socda.

Waxaan bogaadinaya shaqaalaha ku jira furimaha hore, sida wiilasha iyo gabdhaha ka shagqeynaya Amniga iyo la dagaalanka COVID-19,

Sanadkaan waxay Shaqaalaha Puntland munaasabaddu ugusoo aaday iyadoo la tirakoobay Shaqaalaha, lana diyaariyay qorshaha kor u qaadista xirfadooda iyo kardhinta mushaharaadka”