April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

DAD QAXOOTI AH KANA SOO QAXAY DALKA ETHIOPIA OO DEEQ RAASHIN AH LA GAATSIIYEY DEGMADA BURTINLE EE GOBOLKA NUGAAL

Hay’adda Lido Foundation oo ka hawl gasha dalka ingiriiska ayaa gaarsiinay shalay qaar ka mid ah dadka Qaxootiga ka soo Qaxay dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanada uu saameyey dagaalada u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada sida Beleblayt, Tulli Guulleed iyo Deeegaano kale.

Dadkaan oo Dawladda Puntland kusoo dhawaaysay deegaanada Puntland ayaa haatan ku sugan Kaam Qaxooti oo ku yaal Galbeedka Degmada Buurtinle, taasoo deeqdaan raashiinka ah loogu tallo-gashay in dadkaasi ku afuraan xilliga lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Gargaarkaan deeqda ah ee ay Hay’adda Lido Foundation oo degan Dalka UK u soo wakiisheen Agaasime Cabdirashid Cismaan Shaaluco iyo Agaasime Abdiwali Xasan Cabdi Gooni taasoo qaybinteeda uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Degmada Burtinle iyo Maamulka Xeradaasi.