April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

QAYB KAMID AH CULIMADDA PUNTLAND OO CUSBITAALKA GUUD EE QARDHO KU WAREEJIYAY HAAMAHA NEEFSIGA

Sheekh Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur oo Cusbitaalka Guud ee Degmadda Qardho ku wareejiyay Haamaha Neefsiiyaha (Ogxen-ka).

Sheekh Fuaad Maxamuud oo kamid ah Culimadda Puntland ayaa wakiil ka ahaa Gabdho dalka dibadiisa ku nool kuwaas oo Mashiinkan oo dhan 15 Haamo iyo qalabkooda ugu talagalay in loogu adeego dadka usoo rito caabuqa Carona kaas oo mudoonkii danbe fara kulul ku hayay Gobolka Karkaar.

Agaasimaha Cusbitaalka Qardho Dr-Jama Ildab iyo isku-Duwaha Caafimaadka Gobolka Karkaar Liibaan Yuusuf Axmed Khayr ayaa si rasmi ah ula wareegay Mashiinkan.

Gabdhaha la baxay Qalabkan caafimaad,xili loo baahnaa ayaa lagu kala Magacaabaa

Drs Hodan Ciise Guul.
Fawsiyo Ciise Guul.
Shukri Faarah Guure.
Arda Faarah Guure
Fowsiyo Ciise.
Sahro Nuur.

Agaasimaha Cusbitaalka iyo Isku duwaha Caafimaadka Gobolka karkaar ayaa tilmaamay in qalabkan uu yimi xili baahi badan loo qabay,iyaga oo u Mahadceliyay Gabdhihii ku deeqay,Sheekh Fuaad ayaa isna u duceeyay Gabdhaha ku deeqay mashiinkan.