April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

BOOLISKA GOBALKA BARI OO HOWLGALO KA FULIYAY DEGAANO KALA DUWAN EE GOBALKA BARI AH

BOOLISKA GOBALKA BARI OO MANTA HOWLGALO KALA DUWAN SAMEEYAY KADIB CODSIYO UGA YIMI BULSHADA.

Howlgal Qatay In Ku Dhow Sideed Sacadood Ayay Ciidamada Booliska Gobalka Bari Ka Sameeyeen Degaano Iyo Tuulooyin Hoostaga Degmada Bosaaso Howlgalkaan Ayaa Iskugu Jiray Xaqiijinta Amniga.

Howglkaan Oo Uu Hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Ayaa Waxaa Ku Wehliyay Sarakiil Ciidan Inta Uu Socday Howgakaan Ayaa Ciidamada Waxay Bulshada La Soo Wadageen In Dhibaato Xoogan Ay Ku Hayaan Kooxo Dhibaato Ku Haysay Degaanka Iyo Jarista Dhirta Waxana La Burburiyay Sagaal Hogood Oo Dhuxusha Ay Ka Shideen Waxaa Sidoo Kale Gacanta Lagu Soo Dhigay Maxaabiis Gareesa 17 Qof Oo Markaas Ku Howlanaa Shidida Dhuxusha’

Goobaha Dhuxusha Lagu shido oo Ay Manta Burburiyeen Booliska Gobalka Bari Ayaa Ahaa Tuulooyin Hoostaga Magaalada Bandar Siyaada Qow Waxana Sigaar Ah Dadkaas Loogu Tagay Tuulooyinka Dhagcaan Iyo Garas.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Ayaa Shacabka Uga Mahadceliyay La Shaqeynta Booliska Waxana Uu Sheegay In Dadka Manta Lagu Soo Qabtay Shidida Iyo Goynta Dhirta In Maxkamada La Horgeyn Doono.

Talabadaan Waxaa Soo Dhoweeyay Dadka Degaamada Manta Howlgalka Laga Sameeyay Kuwaas Oo Booliska Uga Mahadceliyay Shaqada Ay Qabteen.