Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre ayaa xarunta dhexe ee Guddiga wuxuu saaka ka furay shirkii TPEC iyo Hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin sida EU, SSF, MAP, UNSOM, PUNSAA, DIAKONIA iyo PDRC.
Gudoomiyaha iyo xubnaha TPEC oo soo dhaweeyey wakiilada shirka ka qayb galay ayaa warbixin ka siiyey hawshii diiwaangalinta cod-bixiyaha ee June ka dhacday degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn iyo diyaar garawga doorashada la soo hor-mariyey ee 3-da degmo.
Wakiilada Hey’adaha iyo Ururada ayaa dhankooda ka warbixiyay shaqooyinka u qorshaysan muddooyinka dhow si si wadajir ah loogu guuleysto yoolka ah dooraaho qof iyo cod ah oo Puntland ka qabsoonta.
Shirkan TPEC iyo Hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin ayaa bishiiba mar la qabandoonaa, waxaana shirkan ka xiga uu noqon doonaa usbuuc uhoreeya bisha July.








Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA