April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA DPL AHNA MADAXWEYNE KU XIGEENKA OO SOO XIRAY SHIRWEYNAHA HAWEENKA PUNTLAND EE KA QAYB GALKA DOORASHOOYINKA

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo xiray Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb-galka Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland oo muddo laba cisho ah Garoowe uga socdey.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland waxa uu dhiirigeliyey dedaalada lagu doonayo sidii haweenku door-muuqda ugu yeelanlahaayeen Siyaasadda, waxa uu Hay’addaha ku shaqadaleh Doorashooyinka Puntland faray in haweenka lagala shaqeeyo ka qayb-galka Doorashada.