April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DPL OO QAABILAY MADAXA HAY’ADDA SOCDAALKA ADUUNKA (IOM)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM) ee Soomaaliya Richard Danziger.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Agaasimayaasha Guud iyo Saraakiisha Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaa looga hadlay dar-dargelinta hawlaha ka hortagga tahriibta iyo caawimaada qaxootiga kasoo talaaba xuduudaha Puntland.

Gunaanadkii shirka ayaa Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, uga mahadceliyey Hay’adda IOM taabagelinta shaqooyinka ay ka wado deeganada Puntland.