Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta 73 haamood oo Oxgen ah kala wareegtay Hay’adda caafimaadka adduunka – WHO.
Waasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO haamaha Oxgenta taas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo deegaanada Puntland.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa kala wareegay Madaxa WHO Soomaliya Dr Malik.
Dr Maalik oo hadal kooban ka jeediyay wareejinta haamaha ayaa yiri:- “Mudane wasiir aniga oo ku hadlaya magaca WHO waxaan ku faraxsanahay inaan kugu wareejiyo 73 haamaha Oxygenta oo aan ugu talagalnay in aan uga qayb qaadano dadaalada wasaaraddu wado ee helitaanka Oxygen ku filan.”
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo isna ka hadlay ayaa yiri:-
“ Waxaan uga mahadcelinayaa WHO maanta inaan kala wareegno 73 Haamaha Oxgenta oo loogu talagalay in lagula tacaalo dadka uu haleelo xanuunka Covid19, waxaana wasaaraddu dhawaan keeni doontaa warshadaha Oxygenta soo saara oo la dhigi doono magaalooyinka waaweyn ee Puntlnd si loo yareeyo yaraanta Oxygenta.”
“Waxaan haamahaan gayn doonaa gobolada kala duwan gaar ahaan meelaha xanuunku uu saamaynta badan ku leeyahay.”








Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA