April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

PUNTLAND OO HORAY U QAADAY TALAABO LOO BAAHNAA OO ISKU TASHI AH

Tabcashada beeruhu waa mid loo baahnaa deegaanada Puntland. Inta badan wax beerashada berigii hore waxay u badnaayeen Soomaaliya dhulka labada webbi maraan. Haatanse waxaad arkaysaa dhulkii hore loo oran jirey gaari waa oo ay ka soo go’aan nooc walba oo ka mid ah delega. Wasaaaradda beeraha, deegaanka iyo isbedelka cimilada ayaa dhawaan ku soo bandhigtay dhamaanba delegyada kala duwan deegaanada Puntland ka baxa beer ka mida beeraha ku yaal 22-aad ee nawaaxiga Garoowe. Waxayna tani ku timi taakuleynta iyo wacyigalinta baahsan ee ay samaysay Dawladda Puntland.