April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

KULANKA TPEC IYO GUDDIGA ARIMAHA GUDAHA EE BAARLAMAANKA DPL

Kulanka TPEC iyo Guddiga Arimaha Gudaha ee Baarlamaanka Dawladda Puntland.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa kulan kula qaatay xarunta dhexe ee TPEC Guddiga Arimaha Gudaha ee Baarlamaanka Dawladda Punland, ujeedka shirkan ayaa ahaa mid ay ku kala warqaadanayeen labada dhinac.

Gudoomiyaha Guddiga Mudane Guuleed Saalax Barre iyo xubnaha TPEC ayaa xubnaha ka socday baarlamaanka ugu warbixiyay shaqooyinka TPEC uqabsoomay mudaday xafiiska joogeen, qorshaha dhow iyo qorshaha fog ee Guddiga iyo duruufaha haysta.

Ugu danbayn Af-hayeenka Guddiga Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq ayaa uga mahadceliyay sida ay ula socdaan shaqooyinka Guddigu hayo.