Gudoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guled Salah ayaa galabta si rasmiya uga furay degmada #Eyl ee gobolka Nugaal tababarka shaqaalaha diiwaangalinaya codbixiyayaasha degmada #Eyl iyo deegaanada hoos yimaada.
Furitaanka xaflada waxaa kasoo qaybgalay xubno sare iyo hawlwadeeno xarunta dhexe ee TPEC ka tirsan, Gudoomiyaha degmada #Eyl Muuse Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka degmada Faysal Khaliif iyo Gudoomiyaha TPEC ee degmada #Eyl Maxamed Cabdirsaaq.
Gudoomiyayaasha ayaa shaqaalaha tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay sifiican uga faaiidaystaan inta tababarka socdo una dulqaataan saacadaha badan ee ay ku jiri doonaan si ay si fiican ugu fahmaan qalabka iyo Software-ka diiwaangalinta.





















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA