GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda – Qaybta iibka (Automation of Purchasing Module and Commitment control).
Tababarkan oo ay ka faa’idaysanayaan dhammaan Hay’addaha iyo Wasaaradaha Puntland ayaa ah mid muhiim u ah dib u habeynta Maaliyadda dalka ( Public Finance Reform) sida hirgelinta qaybta iibka (Purchasing and Commitment control module).
Furitaanka tababarka ayaa waxa ka qayb galay Todobaatan Agaasime iyo madax-qeybeed isugu jira , kana kala socda dhammaan hay’adaha dowladda sida waaxyaha Maamulka Maaliyadda iyo Iibka.
Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan oo tababarka furay ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo Habka Maamulida Iibka Maaliyadda Dowladda.
Tababarkan shaqaalaha ka faa’idaysanaya ayaa loo kala qaybiyay laba kooxood oo mid kasta uu casharada qaadanayo muddo afar cisho ah maadaama laga taxadarayo xanuunka COVID-19.






















Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA