April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

DUQA DEGMADDA QARDHO IYO XUBNAHA TPEC EE DOORASHOOYINKA PUNTLAND OO XARUN IS DIIWAANGELINTA COD BIXIYAASHA KA DAAH FURAY DEGAANKA YAKA

Duqa degmadda Qardho iyo Xubnaha Gudigga KMG ee doorashooyinka Puntland oo xarunta is-diiwangelinta cod-bixiyayaasha ka daah-furay deegaanka Yaka.

Shacabka deegaanka Yaka ayaa maanta u dareeray xarumaha is-diiwaan gelinta si ay u helaan kaararkii ay ku codayn lahaayeen doorashada golayaasha deegaanka Qardho, oo markii ugu horaysay hal qof iyo hal cod lagu gali doono.

Abdullahi Farah Mire iyo Xafso Salaad oo ka tirsan Gudigga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka iyo Gudoomiyaha Degmadda Qardho Cabdi Saciid Cismaan ayaa daah-furay xafiiska iyagga oo kormeeray sidda loogu adeegayo bulshada.

Waxay sidoo kale shacabka deegaanka Yaka uga mahad-naqeen sidda ay maalinka 1aad usoo buuxiyeen xafiisyadda si ay isu-diiwaan geliyaan, una qaataan kaararkooda.

P