April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

WASAARADDA WAXBARASHADA DPL OO IMTIXAANAADKA DOWLIGA GAARSIISAY GOBOLADDA PUNTLAND

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa saaka gaarsiisay sanadiiqda imtixaanaadka gobollada Bari, Sanaag, Mudug, Haylaan iyo Karkaar.

Berri ayaa la filayaa in ay gaaraan sanaadiiqdaasi xarumaha imtixaanaadka gobollada kale ee Sool, Cayn, Gardafuu, iyo degmooyinka gobolka Nugaal.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyada oo ka ambaqaadaysa nabadgelyada, habsami u socodka iyo fududaynta maamulka imtixaanaadka, ayaa waxa ay samaysay xarumo qaybin oo imtixaanka lagusii qaybiyo. Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe, Qardho, Badhan iyo Boosaaso ayaa loo aqoonsaday xarumo imtixaanka lagu sii kala qaybiyo, waxaana ka hawlgeli doona saraakiisha Waaxda Imtixaanaadka iyo kormeerayaal guud, kuwaas oo fududayn doona maamulka imtixaanka.