April 30, 2026

Warbaahinta Dowladda Puntland

Puntland State TV & Radio

SHIRKA DIB U EEGISTA SIYAASADAHA,IYO XEERARKA LA XIRIIRA ILAALINTA BADQABKA CUNTADA IYO DAAWADA OO GAROWE KA FURMAY

Shirka dib u eegista Siyaasadaha, Shuruucda, iyo Xeerarka la xiriira illaalinta badqabka Cuntada iyo Daawada ayaa maanta ka furmay Garoowe.

Shirkan waxa soo qaban qaabiyey xafiiska kor uqaadidda Nafaqada Puntland (SUN Movement) waxaa looga hadlay sidii dib u eegis loogu samayn lahaa wax qabadka tayo dhowrka badeecadaha Punland.

Kulankan oo uu shir gudoominayey agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Timacade,waxaa ka qayb galay agaasimayaal ka socday wasaaradaha bahwadaagta la ah mashruuca kor uqaadidda nafaqada ee SUN Movement, xubno ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobey, Saraakiil Madaxtooyo, Cilmi baarayaal, agaasimayaasha tayo dhowrka iyo badeecadaha ee Puntland iyo Galmudug.