Waxaa Magalaada Nairobi ee Dalka Kenya shir ugu soo gabagaboobay wafdi ka socday Dowladda Puntland oo uu Hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirishiid Cali iyo Madaxda Machadka Tababarada ee Kenya School of Government ( KSG)
Wafdiga uu Agaasimihu Hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland Mudane Axmed Jaamac Caydiid iyo Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada ee Wasaaradda Sh.Sh. Dh. Ciyaaraha Marwo Barni Ciise Axmed iyo xubno ka socday Xafiiska Tayaynta Hay’adaha Dowladda ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Gaba gabada shirka ayaa Machadka Tabarada Puntland iyo kan Kenya ay kala saxiixdeed heshiis dhamaystiran oo buuxinaya baahida tababar ee shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland.
Si guud waxaa shirka ka soo baxay qodobadan hoose :
- Waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday heshiis sugan oo si cad u qeexaya nooca tababar ee la siinayo shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo tiro ahaan dhan 1000 ( kun shaqaale)
- In Kenya School of Government ay diyaariso manhajka maadooyinka, isla markaasna ay tababarto Macalimiinta machadka si mustaqbal ka dhow ay u buuxiyaan bixinta baahida tababarada .
- Waxaa heshiiska loo samayeey qorshe howleed fulin sugan leh ( timeframe) oo muddo sanad guduhiisa ugu badnaan lagu wada fuliyo madooyinka (Courses) oo tiro ahaan dhan 31 course.
- In qaybta kowaad ee tababarka lagu fuliyo muddo bil iyo bar ah, waxaana si dhow uga wada shaqaynaya IPAM, MoLYS & OoP.
- In Wasaaradda Sh. Ah iyo Xafiiska Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ay yeeshaan kor joogtaynta iyo hubinta fulinta heeshiiska.
Ugu danbayntii: Heshiiskan Cusub ayaa Shaqaalaha Rayidka ah Dowladda Puntland u sahli doona in ay qaataan tababaro tayo sare leh oo kobcindoona aqoonta iyo tayada shaqaada baaxadda wayn ee ay u hayaan shacabka Puntland ee Soomaaliyeed.
Waftiga Dowladda Puntland ayaa ku soo guryo noqday maanta Caasimadda Puntland ee Garoowe







Warar lamid ah
MW DPL OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAANADA CUSUB EE PUNTLAND DHAWAAN LAGU DOORTAY
MADAXWEYNAHA DPL OO QAABILAY GUDDIGA U QAREEMAYAASHA KOONTADA HAWEENKA EE BAARLAMAANKA SOOMAALIYA
MADAXWEYNAHA DPL OO KA QEYBGALAY SHIRKA WADA TASHIGA ARRIMAHA DOORASHADA SOOMAALIYA